Shirka BRICS ee ka furmay K/Afrika iyo qodobada ugu muhiimsan

Published: August 22, 2023

Shanta waddan ee ku jira ururka dhaqaalaha ee BRICS – Brazil, Russia, India, China iyo South Africa – oo kulankooda ka dhacayo magaalada Johannesburg ayaa qodobada ugu muhiimsan shirkan ay yihiin arrimaha dibedda, ballaadhinta saamaynta ay ku dhex leeyihiin caalamka iyo dhismaha Bangi u gaar ah.

Koonfur Afrika ayaa dooneysa si ay u xoojiso awooddeeda qaaradda Afrika.

Ruushka ayaa rajaynaya in uu taageero u helo duullaanka uu ku hayo Ukraine, Madaxweyne Putin ayaa shirkan uga qeyb galaya aalada Zoom, kadib markii ay soo baxday cabsida waaranka Maxkamada Danbiyada Caalamiga ah ICC ay soo saartay in lasoo xiro hogaamiyaha Ruushka oo loo heysto danbiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Shiinaha ayaa dhankiisa doonaya inuu kor u qaado saamaynta uu ku leeyahay dalalka Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya.

Dhanka kale, Hindiya waxay higsaneysaa inay illaaliso isku dheelitirnaanta awoodeeda iyo tan Shiinaha ee gudaha kooxdan, labadan dal ayuu ka dhaxeeyaa loolan xoogan.

Brazil, oo uu hoggaamiyo madaxweyne Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa dhankeeda diirada saareysa inay soo afjarto go’doominta caalamiga ah ee waddankaas oo ay dib u soo celiso booskeeda siyaasada Adduunka.

Waxa shirkan sidoo kale looga hadli doonaa codsiyada dalal badan oo doonaya inay ku biiraan ururka BRICS, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka Venezuela, Iran iyo Sacuudiga.

Horseed Media