Shirka dalalka Khaliijka GCC oo ka furmay Doha

Published: December 5, 2023
Shares102

Hogaamiyayaasha wadamada Khaliijka ayaa maanta oo Salaasa ah ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar oo uu ka furmay shirka GCC.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale Marti sharaf ka ah Dowlada Turkiga, Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa furitaanka shirka kasoo jeediyey khudbad.

Shirkan arrimaha ugu muhiimsan ayaa waxaa kamid ah xaalada ka taagan Gaza, walow aan rajo badan laga qabin in hadal adag kasoo saaraan wadamadan.

Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa labaduba cambaareeyey weerarka Israel ka wado Gaza iyagoo sheegay in xalka ugu danbeeya uu yahay in Falastiin noqoto dowlad madax banaan.

Dalalka Qatar, Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn, Kuwait iyo Cumaan ayaa ku kala aragti duwan siyaasadda ku aadan Israel.

Imaaraatiga iyo Baxreyn ayaa weli xiriir toos ah laleh Israel isla markaana kamid ahaa wadamadii hor istaagay in dalalka Carabta ay jawaab mideysan ka bixiyaan xasuuqa ka socda Gaza.

Horseed Media