Shirka horumarinta Dhallinyarada oo Muqdisho ka furmay

Published: May 22, 2024

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socota.

Shirkan wadatashiga ah oo saaka ka furmay Hotel Jazeera waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Benaadir si qorshe midaysan loogu wajaho horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ujeedka qorshaha cusub ee la dejinayo ayaa in ah kaalinta dhallinyarada ee mashaariicda magacooda ku socota iyagu ay hormuud ka noqdaan si ay u hubiyaan in maalingelinta loo sameeyo dhallinyarada ee Heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ay gaadhay waxyaabihii loogu talo galay.

Qorsheyaasha hortabinta u leh Istiraatiijiyadan cusub ee shanta sano ah waxaa ka mid ah xoojinta xirfadaha gaagaaban ee sahlaya inay dhallinyaradu si dhakhso ah ugu biiraan suuqa shaqada, xoojinta hal-abuurka iyo ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda.