Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah oo Mudisho ka furmay

Published: November 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha maalgashi ee kheyraadka baddaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in laga faai’ideysto kheyraadka, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka.

Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah si kor loogu qaado wax soo saarka dalka.

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaaradaha Federaalka, Dowlad Gobaleedyada Safiirro & shirkado caalami ah.

Horseed Media