Shirka madasha Xiriirka arrimaha Gargaarka Soomaaliya oo ka furmay Kismayo

Published: June 6, 2023

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray shirka madasha Xiriirka arrimaha gagaarka baniaadamnimada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo diirada lagu saarayo qaabaynta hanaanka xiriirka iyo wada shaqaynta Hay’adaha gargaarka iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliya ayaa jiho Cusub u samaynaya tageerada Caalamka ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirkan lagu gaarayaa go’aamo wax ku ool ah oo la xiriira sidii xal waara looga gaari lahaa masiibooyinka dabiciiga ah ee lasoo darsa dadka Soomaaliyeed.

Shirkan Waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kasocda Dowlada Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah iyo wakiilada Hay’adaha gargaarka, ururada iyo Dowladaha tageera Soomaaliya.