Shirka UNta ee Cimilada Adduunka oo ka furmay Dubai

Published: December 1, 2023
Shares40

Shirweynaha Cimilada Adduunka ee COP28 ayaa maanta oo Jimce ah ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in caalamka iska kaashado isbedalada cimilada.

Hogaamiyaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed ayaa sheegay inay ku deeqayaan lacag gaareysa $30 Bilyan. Si wax looga qabto saameynta cimilada isbadaleysa.

Shirweynahan ayey ka qeyb galayaan 180 hogaamiye oo caalamka ka kala yimid, wuxuuna socon doonaa illaa 12ka December.

Horseed Media