Shirka wadatashiga dowaladda federaalka iyo madaxdi hore ee dalka oo Muqdisho ka furmey

Published: July 12, 2023

Waxaa maanta oo Arbaca a Muqdisho ka furmey shir logu magacdaray Wadatashiga Madaxdii dalka soo martey, shirka waxaa furey Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu casumaada fidiyey, waxaa ka soo qaybgalay:

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel-gaarka ahay Shariif Sheekh Axmed

  • Raysalwasaare Cali Geedi
  • Raysalwasaare Cabdiweli Cali Gaas
  • Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid
  • Raysalwasaare Xasan Cali KheyreRaysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble
  • Guddoomiye Shariif Xasan Sh Aadam
  • Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
  • Guddoomiye Maxamed Mural
  • Siyaasiyiin hore oo xilal ka soo qabtey.

Ujeedka shirka ayaa markii hore ahaa saxiixayaashii bayaanki looga soo horjeedey go’aamadii masriirka dalka taabanaayey ee ay wada gaareen Golaha wadatashiga Qaranka iyo dowladdu in ay ku garnaqsadaan, waxaase markii danbe loo beddeley wadatashi.

War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in ujeedka shirku yahay, xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Shirka waxaa lagu casumey Madaxweynihii hore ee Dowaldda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin waa ka cudur daartey.

Horseed Media