Shirkadaha Diyaaradaha Qaarkood Oo Beeniyey War Kasoo Baxay Ururka Diyaaradaha

Published: June 18, 2022

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha oo la hadlay warbaahinta Horseed ayaa beeniyey war kasoo baxay ururka diyaaradaha Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay ururka diyaaradaha ayaa lagu sheegay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ay ku dhawaaqeen in laga bilaabo berri la joojiyey duulimaadyadii ay ku tagi jireen gobolada dalka  taasoo ay beeniyeen shirkadaha qaarkood.

Shirkadaha diyaaradaha sheegay kaliya inay joojiyeen duulimaadyada deegaanada qaar kadib markii ay yeesheen shir ay kaga arrinsanayaan caqabadaha uga yimaada maamulada dalka, sida markii diyaarada loo diido inay soo degato xiliyada ay sido shaqsiyaadka ka aragtida duwan maamulka goobtaas ka arrimiya, taasoo ay ugu dambaysay diyaaradii dhowaan loo diiday inay ka degto degmada Luuq ee gobolka Gedo, maadaama uu la socday guddoomiyihii Luuq ee dhinaca maamulka Jubbaland.

Waxaana falkaasi la sheegay inay ka dambeeyaan maamulka Gedo ee ahaa garabka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka ururka diyaaradaha:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *