Shirkadda khamaarka ee 1xBet oo dhibaato xooggan ku haya deegaanada Puntland

Published: April 23, 2023

Waxaa soo badanaya dhibaatooyinka, dhaqale, qoys iyo bulsho ee uu sababay khamaarka 1xBet o si ba’an looga ciyaaro deegaanada Puntland.

1xBet ayaa ah shirkad ka shaqeysata khamaarka ama Gambling waxa loo yaqaan, waxa ay ka diiwaan gashan tahay dalka Qubrus, waxaa la saasey sanadkii 2007, waxaana iska leh nin u dhashey dalka Ruushka, 1xBet, ayaa afartii sano ee u danbeysey laga ciyaaraayey Soomaaliya, markii hore waxay ku bilaamatey magaalada Muqdisho oo ay ku lahayd wakiilo, maadaama dadka Soomaaliya badankood aysan lahayn nidaamka lacag bixinta Payment system ay ku gaarsiiyaan lacag akoonada shirkadda.

Dhibaatooyinka ay sababtey 1XBet ayaa galay guri kasta oo Soomaaliyeed, waxa ay kaliftey in reeruhu biil wayaan, kadib markii lacagtoodi odaygu ku khamaarey, waxay keentey in ay burburaan qoysas badan, dhaliyaradu isdisho sidoo kale askarta iyo shaqaalaha caadiga ah ay ku filnaan weydo mushaharka yar ee la siiyo.

Dulaaliinta shirkadda 1XBet ayaa hadda sameeyey nidaam fudud oo ay dadku lacagta ku bixin karaan kadib markii ay shirkadaha isgaasiinta ka furteen lanbaro lacagta lagu diro. Maalinkasta in ka badan $100,000 oo dollar ayaa lagu khamaaraa oo ku dhaca akoonada shirkadda 1XBET, tan oo ku darsantey mukhaadaraadka Qaadka oo maalinkasta boqolaal kun oo dollar uga baxdo.

Waxaa hadda laga joojiyey dhamaan lanbaradii ay ku isticmaalayeen ee koonfurta dalka iyo weliba deegaanada Somaliland, waxayse xoogoodi u soo wareegeen deegaanada Puntland oo noqotey xarunta dhexe ee shirkadda 1XBet ee Soomaaliya, shirkadihii u dhexeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo 1xBet ayaa u soo wareegay deegaanada Puntland si ay shaqadooda u sii wataan.

Diintu waxay u timid in ay ilaaliso dadka caqligooda oo aysan ku ciyaarin isla markaana isticmaalin maandooriye, sharaftooda in ay ilaaliso sidoo kale in ay ilaaliso maalkooda, haddaba maamulka Puntland oo horey isugu gacantiisa ugu diley lacagtii shiling Soomaaliga ahayd, maxay ka qabteen dadka masaakiinta ah ee mushaharkoodi yaraa dabka ku shubaya oo ay u soo ganacsi doonteen maafiyo caalami ah.

1XBet haddii aan hadda wax laga qaban waxay gaari doontaa heer bulshadu u burburto caqli ahaan, sharaf ahaan iyo weliba dhaqaale ahaan.

Shirkadaha isgaarsiinta waxaa la gudboon in ay xanibaan websiteka iyo App-ka shirkadda 1xBet, sidoo kale ay xiraan dhamaan akoonada lacagaha loogu gudbiyo ee dhibaatada xooggan ku haya bulshada, haddii kale waxay waayi doonaan macaamiishooda, kadib markii ay noqdaan dad musalafey oo caqli ahaana u burburay.

Culimada iyo waxgaradka ayaan doorkooda ka qaadan khatarta ay lee dahay khamaarka shirkadda 1XBET.

Horseed Media