Shirkii 6-aad ee Xisbiga AK-Part oo furmaya iyo MD farmaajo oo ka qeybgalaya

Published: August 18, 2018

Waxaa magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga maanta ka furmaya shirkii lixaad oo ay yeelanayaan xubnaha xisbiga talada haya dalkaasi Turkiga ee AK-Party.

Madax kala duwan ayaa ka qeybgalaya shirkan kuwaasoo badi lagu casuumay,waxaana madaxdaasi ka qeybgalaysa kamid ah madaxweynaha Sooomaaliya Maxamed Cabdulaahi kaas oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara.

Waxyaabaha diirada lagu saari doono shirka waxaa kamid ah xaaladaha dhaqaale xumo ee soo wajahday dalka Turkiga xili maalmihii lasoo dhaafay suuqyada dalkaasi laga dareemay hoos u dhac dhaqaale gaar ahaan lacagta Liirada dalkaasi oo hoos u dhac ba’ani uu kasoo gaaray cunaqabateyn uu Mareynkanku saaray.

Marka uu shirku soo idlaado waxaa kulamo gaar gaar ah yeelan doona madaxda caalamka ee shirka lagu casuumay iyadoona la filayo in ay kulmi doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkaasi Rejeb Deyib Erdogan kuwaasoo shirkooda diirada ku saari doona arimo la xiriira cilaaqaadka labada dowladood iskaashiga dhinaca dhaqaaalaha iyo amaanka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *