Shirkii Golaha Wasiirada Federaalka oo looga hadley heshiiska cashuuraha ee Soomaaliya iyo UAE

Published: March 14, 2024
Shares52

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana go’aan looga gaaray heshiis ay Soomaaliya la gashay Imaaraadka Carabta.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyntii lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Golaha ayaa waxaa magacaabistooda soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxayna kala yihiin:-

  1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
  2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
  3. Muna Cumar Xasan
  4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
  5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
  6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
  7. Hinda Daahir Jaamac
  8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
  9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa shirkooda maanta ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha. Horey waxaa u dhici jirtey in alaabaha Soomaaliya lagu canshuuro dekadaha Dubai ka hor inta aan la soo dhoofin.

Dhinaca kale Golaha ayaa soo saaray go’aan culus oo lagu joojiyey in shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba.

Xubnaha Golaha wasiirada ayaa isla qiray in aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.