Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey Muqdisho

Published: May 22, 2023
Shares2

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay dhallinyarada siinayso ahmiyad gaar ah, isaga oo xusay in Siyaasadda Qaran ee Dhallinyaradu ay tahay mid qeexaysa doorkooda muhiimka ah.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa laf-dhabarta Bulshada, kaalintooda dib-u-xoreynta dalkuna waa muhiim”. Ayuu yiri Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  dalka.

Saalax ayaa sidoo kale xusay in ay ku hawllan yihiin siyaasado iyo barnaamijyo shaqo abuur u ah  dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirweynaha Dhallinyarada oo muddo saddex maalmood ah ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda, iyada oo lagu lafa-guray, lagana dooday caqabada haysta dhallinyarada iyo sidii looga gudbi lahaa.

Horseed Media