Shirweynaha Wadatashiga Puntland Oo Ka Qabsoomay Garoowe – SAWIRO

Published: November 9, 2020

Shirweynaha wadatashiga Puntland iyo hay’adaha ka howlgala oo sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waxaa gudoomiyey shirkan wasiirka wasaaradda qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ee Puntland Cabdiqafaar Cilmi xaange, waxaana ka soo qayb galay wasiirada haweenka, xanaanada Xoolaha, wasiir ku-xigeenka waxbarashada, wasiir ku-xigeenka tamarta, biyaha iyo agaasimayaasha guud ee Puntland.

Shirka ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta, sidii la isku waafajin lahaa qorshaha horumarinta shanta sano iyo mashaariicda Puntland laga fulinayo.

Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii mashaariicda loogu fidin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Gardafuu, taasoo ay dowladdu ahmiyad gaar ah siinayso. waxaana lagu falanqeeyay shirka qorshaha horumarinta hirgalinta hannanka khasanadda midaysan ee dowladda.

Hay’adda ka hortagga maaraynta masiibooyinka (HADMA) ayaa soo bandhigtay falanqayn ku saabsan xaaladda roobabka iyo saadasha 6da bilood ee soo socata oo muujinaysa roobabku inay ka yaryihiin intii la filayay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. GUUL, LAAKIIN SHAQO RUN AH BAA LA RABAA IYO WAX LA TAABAN KARO IN LA QABTO.

    PUNTLAND HADDII SHAQO DAACAD AH LA QABTO HORUMAR BAY GAAREYSAA INSHA ALLAH..

    WALIGAY WAXAAN KU FIKARAA SIDII BIYO XIR LOOGU SAMEYN LAHAA TOGA GAROWE DHEX MARA, KAAS OO HURUMAR WEYN KA QAYB QAADAN KARA BILYANKA QUBIC ML OO BIYO AH BADDA KU SHUMA. CIIL WEYNAA WAX WEYN MA AHA EE CAQLIGII SHAQEYN LAHAA OO ARKI LAHAA BAA MAQAN… AAH

    AHMED

    MAHADSANIDIN DHAMMAAN INTA WAX AKHRISA IYO INTA DHAGA DHAGEYSA.