Shirweyne looga soo horjeedo Go’aankii Muddo kororsiga Oo Muqdisho Ka furmaya

Published: April 20, 2021

Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka furmo Shirweyne loogu magacdaray Aaya katashiga Beelweynta Hawiye kaasoo siweyn qaban qaabadiisa looga dareemayo Magaaladaasi.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybgalaya Odayaasha Dhaqanka Beeshan,Xildhibaano iyo xubno kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweyne ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirka ka qeybgali doona Qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka sida Haweenka Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada.

Shirweynahan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda dalka iyo xiligga kala guurka waxaana halku dhig u ah diidmada Muddo kordhinta Hay’adaha dowladda Federaalka go’aankaas oo horseeday Qalalaase saameyay Amnigii dalka gaar ahaan Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *