Sidee ku dhacdey toogashada ka dhacdey qunsuliyadda Sweden ee magaalada Izmir dalka Turkiga?

Published: August 2, 2023

Salaasadii shalay waxaa toogasho ka dhacdey banaanka hore ee qunsuliyad ay Sweden ku leedahay magaalada Izmiir ee dalka Turkiga. Waxaa lagu diley haweeney ka shaqeyneysey qunsuloyadda oo u dhalatey Turkiye.

Haweeney Turkish ah oo ka tirsaneyd shaqaalaha qunsuliyadda Iswiidhen ee ku taalla magaalada Izmir ee dalka Turkiga, ayaa waxaa xabadka looga dhuftay xabadka xili qado ah maalintii Talaadada.

Ninka toogashada geystay ayaa u dhashey dalka Suuriya waxaana la sheegay inuu ka carooday markii uu helay warqad ogaysiis diidmo ee fiiso uu codsaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Swden ayaa dooneen in ay faallo dheeraad ah ka bixiso muuqaalka halista ah ee ka dhanka ah qunsuliyada iyo tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.

Horseed Media