© 2022 Horseed Media Group

golis telecom

Sidee lagu badbaadin karaa nidaamka xisbiyada ee Puntland?

Doorashadii 25 Okt 2021 degmada EYL

Sidaan laguma jiri karo, 24 sano ayaan dowlad ahayn, odoyaashii koofiyad baclaha ahaa ayaa dowladnimadii loo ag-fadhiyaa, xeradan lama deganaan karo shilin iyo gafane ayey leedahay, lixdan iyo lixda baarlamaanka waa in aan ka guurnaa, dhalinyaradu fursad ma helayaan, waa in aan codkeena ku ciil baxnaa oo Madaxweynaha soo dooranaa oo uu shacabka ka yimaadaa, BOOWE AA LA TAHAY!.

Waa hadalada ugu badan ee siyaasadda Puntland ayaamahan laga maqlaayo, hadaladan ayaa intooda badan ku dhisan yihiin oggaal la’aanta dad badan ka haysata xeerarka doorashooyinka, dastuurka aan aftadi lagu ansixin, xeerarka degmooyinka iyo gobolada Puntand iyo is diidooyinka siyaasiyiinta.

Marka reerku geeddi gelaayo, waxa awrta caynka loogu giijaa loona guureeyaa kob ama dooxo ka wanaagsanaa halka uu deganaa, waxayse ku xiran tahay sida loo sahmiyey, haddaba, Puntland yaa u sahmiyey? mise wasiir Juxaa ayaa soo arkey cagaarkii Xassan Cali Kheyre sheegi jirey in uu meel barwaaqo ah soo arkey oo Soomaaliya u raraayo barwaaqadaas.

Waxa aad u guureyso haddii aanu kuu dhalayn wax ka wanaagsan wixii aad haysatey, ma ku habboon tahay in loo guuro mise waxay u baahan tahay dhammaan dadka waxaani kawada dhexeeyo isu yimaadaan heshiisna ka gaaraan sidii loo guuri lahaa?

Waa lama huraan in nidaamka la daa’imey (status quo) ee Puntland laga guuro dowladnimo la jilo, 24 sano kadib, waxayse leedahay taariikh iyo tusaalooyin xun talooyinka aan laga fiirsan ee aan heshiiska laguwada ahayn.

  • In xukunka la maroorsado oo muddo kordhin la sameeysto waxaan tusaale u leenahay 2001
  • In nidaam xisbiyo aan la isla oggoleyn la isku dayo in dalka laga hirgeliyo waxaan tusaale u leenahay 2013.

Inkasta oo aan loo barbardhigi karin tan maanta, sanaadiikhdii gawaarida lagu soo cabbeystey 2013 ee aan diiwaangelinta lahayn ayaa haddana, siyaasadda Puntland taala maanta waxay u qaybsan tahay laba argtiyood oo aad u kala fog.

  1. Aragtida Siciid Cabdullaahi Deni ee ah in uu dalka ka qabanayao doorasho goloyaasha deegaanka oo ka dhacda degmooyin kooban oo gaaraya 15 degmo marka lagu daro saddexdii hore kuwaas oo kala ah: 6 degmo oo gobolka Bari ah, 3 degmo oo Nugaal ah, 3 degmo oo Mudug ah 2 degmo oo Sanaaag ah iyo Buuhoodle, kadib waxaa la soo saarayaa saddex xisbi oo dalku yeesho kuwaas oo go’aan ka gaaraya masiirka dalka, in muddo kordhin la sameeyo si loo doorto Xildhibaanadii 66 ahayd ee soo dooran lahaa Madaxweynaha.
  2. Aragtida labaad waa mid si toos ah uga soo horjeeda aragtida kore waxaa hoggaanka u haya, siyaasiyiintii soo dhisey Siciid Deni ee loo yaqaan Aaranjaan iyo Sen. Cabdiraxmaan Faroole.

Haddaba, waxaa muuqata in uu jiro daraf saddexaad oo kamid ah saamileyda siyaasadda Puntland kaas oo daawanaya waxa Puntland ka socda, oo ay ku jiraan ururrada siyaasadeed ee Puntand, waxay sugayaan dagaalka labadaas dhinac u dhexeeya, halka qaar aamini la yahay in Siciid Deni iyo saaxiibadiis kala dhaqaaqeen.

Dimoqraadiyadda Puntland waxay dhaawacantey xilligii Cabdiraxmaan Faroole, mudadii uu xilka hayey Cabdiweli Cali Gaas waxay ku jirtey isbitaalka oo sariirta kama aanu soo dejin. Waxaa irbad xanuun jebin ah ku dhuftey Siciid Deni, waana loo wada riyaaqey oo si wanaagsan looga qaybgalay, kadib markii uu bilaabey sanadkii u horeysey ee muddo xileedkiisa. Nasiib-darro, waxaa soo dhexgalay aafadii adduunka ka dilaacdey ee Korona Fayras, laakiin marna tubtii kama leexan waxaana uu tijaabiyey saddex degmo oo warkoodu meel dheer gaarey, kadib markii uu is casiley guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii TPEC, kadib markii Madaxweynaha Puntland Siciid Deni damac qaadey oo Puntland ku filnaan weydey Muqdishona hillaac uga baxay, kadib markii casharadii laga bartey saddexda degmo ee EYL u danbeysey ay dhabana hays keentey, waxaa muuqata in dimoqraadiyaddii ay mar kale xanuunsatey, waxa ugu weyna ay tahay in aan la is aaminsaneyn oo kalsoonidii burburtey.

Sida Siciid Deni uu wax u wado waa mid aan la aqbali karin ilaa dhibaatooyinka yaala heshiis laga gaaro, isla markaana caddeeyo wax badan oo mugdi ku jirta, oggolaado in laga wada hadlo casharadii laga bartey saddexda degmo, kadibna halkaas laga anbaqaado.

Sidoo kale sida saaxiibadiisi hore ay wadaan ma ahan mid dalka u daneyneysa, waxaa loo baabahan yahay jid-bixin iyo badbaadin.

Haddaba, iyada oo aan la qarda jeexin, sidkeedana aan laga soo hormarin, waxa ugu horreeyaa waa in la helaa daraf saddexaad oo qayb ka noqda badbaadinta Puntland, la isugu yimaado shir lagu badbaadinaayo dimoqraadiyadda Puntland ee ururradu horey ugu baaqeen, taladana dhulka la dhigo, haddiise ay dhacdo sidii 2013 oo kale, dimoqraadiyadda Puntland waa dhimaneysa markaan, dib danbena la isu weydiin maayo, kadibna waxaa ku xigta in jiritaanka Puntland oo dhan soo afjarmo, maadaama lagu fashiley himmilooyinkii loo dhisey, waxaa la gaarey xilligii labada dhinac ee kore ay Puntland u nixi lahaayeen, dhinaca saddexaad ee martida ka ah siyaasadda ee ka aamusana ay doorkooda qaadan lahaayeen.

Wabilaahi towfiiq

Qore: Ismail Haji Said