Sierra Leone: Inqilaab Fashilay!

Published: November 26, 2023
Shares8

Dalka Sierra Leone ayaa maanta lagu soo rogay xaalad deg deg ah kadib inqilaab militari oo xalay fashilay.

Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegtay in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay mid kamid ah xarunta Kaydka hubka ee caasimada Freetown.

Ciidamada amaanka ayaa ka hortagay weerarkan, balse waxaa la sheegay inay baxsadeen qeyb kamid ah kooxdii weerarka geystay.

Wax faah faahin ah weli lagama bixin kooxda ka danbeysay isku daygan Inqilaabka.

Guud ahaan dalka ayaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah iyo Bandow, arrintan oo ay xukuumada sheegtay inay ku dooneyso inay kusoo qabato kooxaha baxsadka ah.

Wadanka Sierra Leone ayaa xiisad siyaasadeed kusoo jiray tan iyo doorashadii dhacday bishii Juun ee sanadkan.

Horseed Media