Sisi: Dagaalka Israa’iil wado maaha is-difaacid ee waa ciqaab-wadareedka shacabka Gaza

Published: October 15, 2023

Madaxweynaha Masar Cabdifatax al-sisi oo maanta kulan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo maalmahan ku jiray safaro uu ku marayo dalalka Barriga Dhexe.

Masar ayaa Axadii sheegtay inay xoojisay dadaalada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in gargaar bini’aadantinimo lagu gaarsiiyo Gaza, wuxuuna madaxwaynuhu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, in duqeymaha ay Israel ka geysanayso dhulkaasi ay tahay mid Xad-dhaaf ah.

“Falcelintu waxay dhaaftay xaqa is-difaaca, waxayna isu beddeshay ciqaab wadareed 2.3 milyan oo qof oo Gaza ku nool,” ayuu yiri madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi oo ka hadlayay weerarrada aargoosiga ah ee Israa’iil wado.

Si la mid ah dalalka kale ee Carabta, waxay Masar sheegtay in Falastiiniyiintu ay ku ekaadaan dhulkooda, isla markaana ay ka shaqaynayso sidii loo heli lahaa gargaarka la geeyo Qasa.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Sisi, oo laga soo saaray shir ay yeesheen golaha ammaanka qaranka, ayaa lagu sheegay in Masar ay diiday qorshe kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta “oo ay waxyeello u geysaneysa ammaanka Masar” uuna yahay khad cas.

Horseed Media