Maalintii Jimacada ee 31 Luuliyo 2018 waxaa warsidaha Horseed ku soo baxay maqaal ka hadalaya in maamulada Puntland iyo Somaliland ay soo dhaweeyeen dhex-dhexaadinta IGAD-UNSOM iyo qorshaha ay la tageen Garoowe iyo Hargeysa.
Haddaba qoraalka baxay waxaa ku jirey in heshiiska ay ka mid tahay in gobolka Sool uu noqonayo meel ka caagan ciidanka, taas oo loo fahmey in labada maamulba ay ciidankooda kala baxayaan gobolka Sool.
Arrintaas ayaa ka duwan sida qoraalka maqaalku xanbaarsanaa loo fahmey laakiin waxay ahayd ahayd in loo dhigo warka “Tuuulada Tukaraq in ay noqoto meel ka caagan ciidamada labada dhinac”
Somaliland waxay oggolaatey in ay dib ugu noqoto halkii ay joogeen ka hor 8 Janaayo 2018, laakiin Puntland oo joogtey 8 Janaayo tuulada Tukaraq heshiisku ma dhigaayo in ay dib ugu noqon karaan halkaas, waxaana la doonayaa in Tukaraq ay noqoto meel ka caagan ciidamada ama buffer zone.
qodobada kale ee heshiiska ayaa ah:
– Xabbabad joojin buuxda
– Dadkii barakacay oo dib ugu noqda guryahoodi, lana gaarsiiyo gar-gaar
– Maxaabiista oo dib la isugu celiyo
-Isu socodka labada dhinac oo si buuxda loo furo lana qaado haddii ay caqabado jiraan.
– Ciidamada oo la kala qaado.
Kulankii ergada ka socotey IGAD-UNSOM ay la qaateen Isimada Sool iyo Sanaag todobaadkii hore ayey hordhigeen in Somaliland dib ugu noqoto halkii ay joogtey 2002 taas oo ah meel ku dhaw magaalada Oog ee gobolka Togdheer, laakiin waxaa arrintaa diidey Somaliland.
Kadib qabsashadii Tukaraq Puntland waxay gashey abaabul xooggan, waxaana ka qayb-qaatey beelaha deggan Puntland oo sheegay in aan la qaadan karin gardarada Somaliland ay ku doonayaan in ay si buuxda ugu qabsadaan dhulka beesha Dhulabahante iyaga oo ku doodaya in Ingriiskii xuduudkaas uga tegay, abaabulkaas waxaa ku baxay dhaqaale aad u badan, waxaana ay sababtey dagaal laba jeer ka dhacay Tukaraq oo sababay dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis la kala qabsado, waxaana ku burburay hanti aad u badan.
Waxaa xusid mudan muddadii u dhexaysey Janaayo-Maajo 2018, dhex-dhexaadinta beesha caalamku iyo dalalka derisku wadeen waxaa Puntland oggoleyd in ay heshiiska qaadanayso laakiin ay Somaliland dib ugu noqoto halkii ay ku sugnaayeen ka hor 8 Janaayo, taas oo Somaliland diidaneyd, waxaa la dhihi kara dagaalka khasaaraha badan dhaliyey, wuxuu Puntland u horseeday in Somaliland oggolaado in ay ciidankooda dib u qaadaan, laakiin waxay ku guuleysteen in ciidamada Puntland gobolka laga saaro oo dhulkaasi noqdo mid ciidanka ka caagan.
Dastuurka Puntland waxa uu qorayaa in Sool iyo Sanaag ay kamid yihiin Puntland beelaha degana si buuxda u dhisteen Puntland 1998.
In badan oo kamid ah dadka reer Puntland ayaa arkaayey in fursadda dib loogu mideyn karo Puntland ay maanta muuqato marka la eego midnimada shacabka, halka Madaxweynaha Puntland uu sheegay in ku fekero mararka qaarkood in uu u duceeyo Muuse Biixi, kadib weerarkii gardarada ahayd ee uu ku qabsadey Tukaraq kaas oo aan ka helnay ayuu yiri MIDNIMO.
Maxaa ka dhalan kara heshiiska ay soo dhaweeyeen PL iyo SL?
Dhanka Puntland waxa ay wajihi kartaa caqabado badan oo ay ugu horeyso maareynta ciidamada beelaha laga soo ururiyey iyo hubka aadka u fara badan ee meesha la geeyey, sidoo kale waxaa meesha ka baxaya sheegashada dastuurka Puntland iyada oo beesha Dhulabahante inteeda badan ka soo horjeedo Somaliland ay u arkayaan wixii abaabul socdey in lagu bedashey goob ciidamada ka caagan oo loo sameeyey caasimada Puntland, waxaana la is weydiinayaa sida uu noqon karo mustaqbalka gobolka Sool.
Ugu danbeyntii waan-waanta IGAD-UNSOM wado ayaa la sugayaa wejigiisi labaad iyo fulintiisa oo ay ku baxayso dhaqaale badan oo ciidamada lagu kala qaadayo.
Horseed Media team