Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda Soomaaliya oo baaq ka soo saaray xaaladda Koofur galbeed

Published: December 24, 2022

Siyaasiyiin horey oo xilal muhiim ah uga qabtay dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal ugu baaqay ugu baaqay Madaxda Koofur galbeed iyo siyaasiyiinta uu khilaafku Siyaasadeed ka dhaxeeyo.

Khilaafkaas ayaasababay iska hor imaad iyo dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 10 qof.

Siyaasiyiinta baaqan soo saaray ayaa kala Madaxweynihii hore ee Soomalaiya Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iiul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo isna kamid ah Ra’iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya.

Siyaasiyiintaas ayaa baaqoooda ku sheegay in xilligan Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab ayna nasiib darro tahay sida ay yiraahdeen in dalka soomaaliya uu manta ka dhaco dagaal aan ahayn kan lagula jiro Al-Shabaab.

Waxay ugu baaqeen dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeedin dhabbaha wadahadalka la qaado laguna qanco in Koonfur Galbeed laga hirgaliyo doorasho la isla oggol yahay.

Horseed Media