Somaliland oo xabsi dhigtay laba wasiir oo ka tirsaa xukuumadii DDSI.

Published: August 23, 2018

Ciidamada Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha cigaal ee magaaalada Hargaysa ku qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumada dawlad deegaanka soomaalida Ethopia ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Labadaan wasiir ayaa kala ahaa wasiirkii hore ee cadaalada Cabdi Jamaal Axmed Qolonbi iyo wasiirkii hore ee waxbarashada dawlad deegaanka soomaalida Ethopia Ibraahim Aadan Mahad, xariga labadaan wasiir ayaa lagu sababeeyay in ay Somaliland ku yimaadeen iyagoon haysan dal ku gal.

Wax faaffaahin ah oo intaas dheer weli kama aysan soo bixin Somaliland iyo xukuumada dawlad deegaanka soomaalida Ethopia.

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *