Soomaali iyo Qaxooti ka yimid Yemen oo soo gaaray Puntland

Published: October 22, 2021

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo muwaadiniin Soomaali ah oo ka soo cararay colaadaha Yemen.

Waxaana dooni siday dadkan ay Khamiistii ku soo xiratay Dekedda magaalada Bosaaso.

Dadkan Qaxootiga ah iyo Soomalida dib ugu soo laabatay Puntland ayaa u badanaa haween iyo carruur, waxaana loo daabulay Xarunta Qaabilaadda iyo soo dhowaynta Qaxootiga Boosaaso, halkaasi oo lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin cunto bisil, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

Xaaladdaha beni’aadamnimo iyo dagaal ka socda wadanka Yaman ayaa horseeday Qulqulka Qaxootiga badan ee soo gaaraya deegaannada Dowlad Gobaleedka Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *