Soomaali lagu dilay weerar lagu qaaday qabuuro ay ka socotay aaska wiil dhalinyaro ah

Published: August 12, 2022
Shares4

Rag hubeysan ayaa rasaas ku furay qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliiska Canada ayaa sheegay in saddex ilaa afar nin oo hubaysan ay rasaas ku fureen 60 qof oo aaska kasoo qeyb galay, halkaas oo ay sheegeen inay ku dhaawacmeen labo qof oo mid kamid ah uu isbitaalka ku geeriyooday.

Booliisku waxay sheegeen inay tuhmnayaasha oo watay gaari duuga oo ah nuuca SUV ay baxsadeen. Waxay sheegeen markii ugu dambeysay in lagu arkay wadada Leslie Street.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Toronto ayaa arrintaan aad uga welwelsan, waana markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ahi ka dhaco dalkaas oo  Soomaali badan ay ku nool yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *