Soomaaliya Oo Bangiga Adduunka ka heshay $75 Milyan Oo Doolar.

Published: July 31, 2023
Shares6

Nayroobi, Luulyo 31, 2023 – Soomaaliya waxay heshay $75 milyan oo deeq ah oo ka timid Bangiga Adduunka si ay gacan uga geysato xoojinta hay’addaha dalka iyo sidii deymaha looga cafin lahaa, ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Baanka Adduunka.

Deeqdan ayaa ah tii labaad oo xiriir ah oo Soomaaliya ka caawin doonta in ay horumar ka sameyso wadadii ay ugu soo bixi lahayd deyn cafinta oo buuxda oo aan laga laaban karin iyadoo la raacayo hindise-sharciyeedka dalalka deymoobay ee saboolka ah (HIPC).

Deeqdan ayaa lagu taageeri doonaa dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dhisidda dhaqaale casri ah oo leh hay’ado la xoojiyay. Waxa kale oo ay dawladda ka caawin doontaa in ay soo jiidato maal-gashi, si ay gaarto koboc dhaqaale oo loo dhan yahay, iyo abuurista shaqooyin cusub, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Bangiga Adduunka.

“Deeqdani waxay qayb ka tahay rabitaanka dowladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaale casri ah oo leh hay’ado xooggan,” ayay tiri Kristina Svensson, Agaasiaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxay sidoo kale muujinaysaa horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta dhaqaalaha, taasoo dhabaha u xaaraysa mustaqbal xasiloon oo waara, ayey tiri.

Deeqda waxaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero tiro dib u habeyn ah, oo ay ku jiraan:

  1. Ansixinta shuruuc cusub ee hay’adaha muhiimka ah sida kalluumeysiga iyo korontada.
  2. Dejinta sharciga maalgashiga iyo ilaalinta maalgashadayaasha cusub.
  3. Oggolaanshaha sharciga aqoonsiga dhijitaalka ah si uu u taageero borotokoolka aqoonta-macmiilkaga.
  4. Sameynta sharciga ilaalinta xogta si loo bixiyo ilaalinta isticmaalka xogta shakhsi ahaaneed.
  5. Taageerida dhismeyaasha kastamyada guud ahaan Soomaaliya.
  6. Xoojinta shaqada hanti dhawrka

Dib-u-habayntan ayaa muhiim u ah ilaalinta hantida dadweynaha, dhisidda kalsoonida dawladda iyo muwaadiniinta, iyo yaraynta khilaafaadka. Waxa ay sidoo kale Soomaaliya ka caawin doonaan in ay soo jiidato maalgashi iyo in ay gaarto kobac dhaqaale.

Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka samaysay sannadihii u dambeeyay hirgelinta dib-u-habaynta iyo horumarinta aragtideeda dhaqaale. Dalku waxa uu heshiisyo deyn cafis ah la saxeexday deyman bixiyeyaasha waaweyn waxana uu wadahadal la yeelanayaa qaar ka mid ah deyman bixiyayaasha laba geesoodka ah iyo kuwa badan. In kasta oo ay jiraan weli khilaafaad gaar ahaan wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Horseed Media