Soomaaliya Oo Ka Qaybgashay Shir Madaxeedka 22aad ee Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika

Published: June 8, 2023

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

Shirka ayaa looga hadlayaa is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka Qaaradda, kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo ajanyadaal kale oo muhiim u ah koboca dhaqaale ee dalalka ku midaysan dalladan.

Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ka mid noqoshada suuqan iyo fursadaha ay u abuuri karto shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in isla maanta ay golaha Xukuumaddu ansixiyeen ku biiridda suuqa COMESA, iyadoo loo gudbin doono golayaasha sharci dejinta ee dalka.

Horseed Media