Soomaaliya oo ka qeybgashay kalfadhigga 68-aad ee Qaramada Midoobay

Published: March 12, 2024
Shares74

Wafdi ay hoggaamineysay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aamina Xasan Cali ayaa ka qeybgashay kal-fadhigiisa 68-aad ee shirweynaha Arrimaha Haweenka Adduunka, kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Shirka ayaa looga hadlay doorka haweenka ay ku leeyihiin bulshada, kaalinta ay ka qaataan horumarinta dalalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhiirigalinta iyo kor u qaadidda aqoonta haweenka.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa maalmahaan booqashooyin shaqo ku joogay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo kuwa kale, waxaana inta ay ku suganyihiin xarunta Qaramada Midoobay ay kulamo la qaadan doonaan madaxda shirka ka qeybgashay.