Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka isbedelka Cimilada ee ka socda Scotland

Published: November 8, 2021

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Scotland ,Uk uga qeybgalat shirka Qaramada Midoobay ee looga hadlayo Isbeddelka Cimilada (COP26 ) ayna ka qeyb galeen madax kala duwan iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya isbadalka Cimilada.

Wasiir Jamaal oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda dunida ay u leedahay meelmarinta isbadalka cimilada aduunka.

“Waxaa si buuxda nooga go’an meel marinta isbadalka, kaas oo ku saleysan wadatashi bulsho si sare loogu qaado hanaanka horumarinta oo loo dhan yahay”. Ayuu yiri Wasiirka qoraheynta oo maanta oo isniin ah qudbad ka jeediyay shirka isbadalka cimilada ee ka socda Scotland.

ayuu yiri jàmaal maxamed xasan

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ayaa lagu wadaa inta uu joogo UK in uu kulamo gaar gaar ah la qaato qaar ka mid ah Madaxda shirka ka qeybgaleysa ee kusugan Scotland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *