Soomaaliya oo mar kale mamnuucdey jariifka badda

Published: April 8, 2024
Shares36

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaaha Buluuga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dhammaan shirkadaha kalluumeysiga & milkiilayaasha maraakiibta, iyadoo ku amartay in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga waxay ku sheegtay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay in ay tallaabo ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariifka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan shirkadaha kalluumaysiga iyo mulkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga kalluumaysiga.

Tallaabada Soomaaliya ay ku mamnuucday jariifka ayaa hoosta ka xariiqaysa welwelka sii kordhaya ee caalamiga ah ee ku aaddan saameynta xun ee dhaqanka jariifku uu ku leeyahay badda. Qalabka jariifka ayaa si aan kala sooc lahayn u qabsan karta noocyada kalluunka aan bartilmaameedka ahayn, waxay dhaawici kartaa degaannada xasaasiga ah ee badda, taasoo suurtogal ah inay saamayso dhammaan cuntada badda.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa siidaysay kalluumaysto ajaanib ah oo kasoo jeeda dalka Iiraan, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha dalka.

HORSEEDMEDIA