Soomaaliya oo meel marisey sharciga ilaalinta xuquuqda caruurta

Published: August 10, 2023

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa loogu tala galay in lagu ilaaliyo xuquuqda caruurta, gaar ahaan hubinta ammaankooda, daryeelkooda, iyo horumarkooda habboon.

Sharcigan cusub waxaa loogu talagalay in laga hortago oo wax looga qabto noocyada kala duwan ee xadgudubka, dayaca, dhiig-miirashada, iyo waxyeelada ay carruurtu kala kulmi karaan qoysaskooda, bulshooyinkooda, ama xarumaha kala sida Iskoolada iyo madarasooyinka.

Xeerkan cusub ayaa qeexaya in ay dembi tahay sifo kasta oo caruurta loogu xadgudbo, mid jirkooda loo geysto mid galmo iyo mid maskaxeed. Sidoo kale xeerkan golaha wasiiradu meel mariyeen ayaa qeexaya xuquuqda nidaamka cadaaladda dembiyada, xoojinta dhaqancelinta iyo faragelinta da’da ku haboon.

Xeerkan ayaa mamnuuc ka dhigayaa in aan caruurta looga faa’idyesan karin shaqaaleysiin (child Labor), dhiig-miirashada iyo u adeegsiga goobaha dagaalka. Sidoo kale waxa uu damaanad qaadayaa in ay helaan waxbarasho, caafimaad iyo adeega asaasiga ah.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu badan ee caruurtu aysan helin nolosha asaasiga ah, in badan oo kamid ah ayaan fursad u helin in ay adaan iskoolada.

Horseed Media