Soomaaliya oo Qaddiyada Biyo-xireenka Webiga Niil La Safatey Masar

Published: July 25, 2022

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir saxaafadeed la qabtey dhigiisa dalka Masar Abdel Fattah Saeed Hussein Khalil el-Sisi, oo uu marti u yahay kadib markii maalintii shalay diyaarad gaar ah oo Masar leedahay looga qaadey Muqdisho.

Cabdilafataax Al-Sisis ayaa sheegay in labada dal ee Masar iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo cilaaqaad qoto dheer, Masarna ay ahayd dalkii u horeeyey ee aqoonsada madax-banaanida Soomaaliya sanadkii 1960kii, sidoo kale waxay Masar dhiig u hurtey xornima doonkii Soomaaliya. Al-Sisis ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ay ku heshiiyeen iskaashi dhankasta ah gaar ahaan dhaqaalaha, waxbarashada iyo amniga, Madaxweynaha Masar ayaa xusey oggolaanshihii dhawaan Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu siiyey bangiga Masar si uu uga shaqeyn karo gudaha Soomaaliya taas oo bilow u ah maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Biyo-xireenka lagu muran-san yahay

Arrtinta ugu muhimsan ee sida weyn diirada loogu hayey ayaa ahayd biyo xireenka Webiga Niil ee Itoobiya soo waddey muddooyinkii danbe kaas oo hadda maraya heerkii labaad ee buuxinta, waxaana al-Sisi uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh isku raaceen khatarta ay leedahay dhismaha biyo-xireenkaas hal dhinac keliya wado, waxaana isku wafaqney in arrintas lagala tashado dhamaan dalalka ay khuseyso ee webigu maro, iyadoo la ilaalinaayo amniga gobolka ayuu yiri al-sisi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baajiyey safar hore oo uu ku tegi lahaa Itoobiya, kadib markii sidaas Adis Ababa dalbatey.

Sanadkii 2020 Wasiirada Arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa shir fogaan arag ah yeeshay waxaana lagu canbaareeyey Itoobiya, iyada oo loo jeediyey in Suudaan Msar iyo Itoobiya ay ka wada tashtaan Biyo-xireenka, waxaa go’aankaas diidey Soomaaliya, Jabuuti iyo Qatar.

Waxaa meel hoose gaarey xiriirka Masar iyo Soomaaliya mudadii uu Madaxweynaha aha Farmaajo, waxaana Farmaajo uu xiriir dhaw la lahaa Dowaldda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Ahmed.

Masdaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xiriir dhaw lalahaa Dowalddii hore ee itoobiya ee Tigreegu hoggaamin jirey 2012-2016, oo iyadu xiriir la lahdy xitaa Dowlad goboleedyada, waxaa hadda sida qorraxda u muuqata siyaasadda uu doonaayo in Soomaaliya qaado ee ah Soomaali dunidana heshiis la ah iyo qaabka uu ku bilaabey.

Dowladda Masar ayaa walaac ka qabta biyo yaraan soo wajahda shacabkeeda oo lagu qiyaaso ilaa 100 Milyan qof kuwasoo ku tiirsan 90% ku tiirsan biyaha webiga Nile haddii Itoobiya bilowda inay buuxiso biyo xireenka weyn ee ay ka dhistay meel 15 Km u jirta xadka ay la wadaagto Suudaan.

Itoobiya waxay xuduud dheer la wadaagtaa Soomaaliya, waxaa dalka ka jooga ciidamo badan, haddaba dib ma ugu laaban doontaa itoobiya Siyaasadeedi hore ee Soomaaliya ee ay faraha kula jirtey dhinac kasta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *