Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Published: July 7, 2022

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis taageero deeqo gaar ah Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada Turkiga, Murat Kurum.

Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynayaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *