Soomaaliya oo laga mamnuucay TikTok, Telegram iyo 1XBet

Published: August 20, 2023
Shares22

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta oo Axad ah shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha bixiya adeega isgaarsiinta.

War ka soo baxay shirka ayaa lagu yiri “….Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da….”

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo barta Khamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.

Qoraal rasmi ah oo lagu shaaciyey internetka ayaa lagu faray 14 shirkadood oo bixiya adeega Internetka (ISP) in ay xanibaan TikTok, Telegram iyo 1XBET.

Haddii qorshahan hirgelo ayaa la is weydiinayaa kuwa ku xigi doona ee faafreebka loo isticmaali doono.

Horseed Media