Sucuudiga iyo Iran oo u yeeray safiirada Sweden u fadhiya dalalkaas.

Published: July 21, 2023

Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay dublamaasi u dhashay Sweden sababo la xiriira ceebeynta qur’aanka kariimka ah.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay falalka isdaba jooga ah ee ka dhacaayey magaalada Stockholm ee lagu gubaayey kitaabka qur’aanka kariimka ah, waxayna u yeertay diblumaasiga ugu sarreeya dalka Sweden ee Boqortooyada Sacuudiga si loogu gudbiyo cabashada Sucuudiga.

Riyadh ayaa soo saartay “qoraal mudaaharaad ah oo ay ku jirto codsiga boqortooyada ee ku wajahan mas’uuliyiinta Sweden si ay u qaadaan dhammaan tallaabooyinka degdegga ah iyo kuwa lagama maarmaanka ah si loo joojiyo falalkan islaam nacaybka ah” Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sidaas sheegtay goor dambe oo Khamiis ah.

Dhinaca kale kale dalka Iran ayaa u yeeray safiirka Sweden u fadhiya Tehran. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in ay si buuxda mas’uul uga tahay dowladda Sweden cawaaqibka ka dhalan kara kicinta dareenka muslimiinta caalamka.

Dalal iyo ururo kale duwan oo muslimiintu ku badan yihiin ayaa sidoo kale si kulul ugu dhaliilay Sweden in aysan joojin mudaaharaadyadii ay qaxooti ka yimid Ciraaq bishii hore gubeen kitaabka qur’aanka kariimka ah iyaga oo qaar ku tumanayeen. Maalintii Khamiista Ciraaq waxa ay eriday ergaygii Iswiidhan , waxaana safaaradda Sweden ee Baqdaad soo weeraray dad careysan.

Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa sheegay in “Falalkii ugu dambeeyay ee kicinta” ee Stockholm aan loo sababeyn karin xorriyadda hadalka.

Horaantii sanadkan, siyaasiga midigta-fog ee Danish-Swedish-ka ah ee Rasmus Paludan ayaa sidoo kale dhaliyay caro caalami ah kadib markii uu meel fagaare ah ku gubay kitaabka Quraanka Kariimka ah magaalada Stockholm.

Horseed Media