Sudan oo hakisay xubinimadii urur goboleedka IGAD

Published: January 20, 2024

Dowladda Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen ayaa sheegtay in ay hakisay xubinimadeedii urur goboleedka IGAD, oo ah urur goboleedka bariga Afrika ee isku dayay in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dalkaas.

Ciidamada Sudan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) ayaa muddo sagaal bilood ah uu dhexmarayey dagaal ay ku dhinteen kumannaan qof, ayna ku barakaceen in ka badan toddobo milyan.

Dowladda Suudaan ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay hakisay xiriirkii ay la lahayd IGAD ka hor shir ururka Midowga Afrika oo Khamiista ka dhacay Uganda, ka dib markii IGAD ay ku casuuntay shirkaasi hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalo.

Waxay Suudaan ku eedaysay ururka IGAD “inuu ku xad-gudbay madax-banaanida Suudaan” oo ay ku dhaqaaqeen “tusaale khatar ah”.

IGAD oo garab ka helaysa Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa marar badan isku dayey inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac, taas oo aanay waxba ka soo bixin.

Horseed Media