Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo dab xooggan mar kale ka kacay

Published: April 5, 2024
Shares16

Subaxnimada Jimacada ah ee maanta waxaa gubanaya qaybo kamid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka bilowdey qaybta lagu iibiyo dahabka ee loo yaqaan dahablaha.

Inkasta oo ay maanta tahay Jimce haddana Suuqa ayaa aad mashquul u ahaa maadaama ay soo dhawdahay maalinta Ciidka ee dhamaadka bisha Ramadaan.

Dabka ayaa ah mid xooggan waxaa cabsi laga qabaa in uu ku fido qaybaha kale ee Suuqa. Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya holoc iyo qiiq aad u weyn oo cirka isku sii shareeraya.

Gawaardia dabdamiska ayaa goobta soo gaarey waxaana socda dedaal lagu xakameynaayo dabka. Dadka ayaa alaabahooda la baxsanaya ka hor inta aanu dabku soo gaarin.

Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa soo noqnoqdey, lama garanaayo sababta uu ka kaco, ma jiro baaritaan lagu sameyey, waxaana ku cayrooba dad aad u faro badan.

HORSEEDMEDIA