Suuqyada magaalada Laascaanood oo weli xiran

Published: December 29, 2022

Suuqa weyn iyo goobaha ganacsiga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maalintii saddexaad weli xiran.

Laascaanood waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dilalalka loo gaysto dadka magaalada oo uu ugu dambeyay siyaasi lagu magacaabi jiray C/fataax C/laahi Hadraawi.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo la sheegay in laga soo qaaday suuqa magaalada ayaa muujinaya goobaha ganacsiga oo xiran iyo waddooyinka oo cidlo ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka dibadbaxa dhigayay balse ilaa iyo hadda ma jirto faah-faahin rasmi oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dibaxyadii ugu dambeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo mar sii horeysay ka hadlay shaqaaqadaas ka dhacday Laascaanood, ayaa sheegay in ilaa 3 qof ay ku dhinteen isla markaana ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale.

Horseed Media