Taageerayaasha hoggaamiyaha dalka Ciraaq oo xoog ku galay xarumaha dowladda ee dalkaasi

Published: August 30, 2022
Shares38

Hubka culus ayaa laga maqlayaa hareeraha baarlamaanka Ciraaq ee ku yaalla magaalada Baqdaad iyadoo uu socdo dagaal gacmaha la isula tagay oo u dhaxeeya ciidmmada ammaanka ee Ciraaq iyo taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Shiicada ah ee Muqtada Al Sadr saaacado ka dib markii wadaadku sheegay in uu siyaasadda iska casilay.

Wadaadka shiicada ee kaniga adag Muqtada al-Sadr oo ah hoggaamiye siyaasadeed oo caan ka ah dalka Ciraaq ayaa maalinti shalay ahayd bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey inuu gabi ahaanba siyaasadda ka fadhiistay.

Muqtada al-Sadr ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dalka Ciraaq, wuxuuna muddo dheer udub dhexaad u ahaa mashaakilaad ka dhashay dowlad dhisidda dalkaasi.

Rabshado ka dhashay iska horimaad dhexmaray taageerayaasha wadaadka iyo ciidamada ammaanka Ciraaq waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof halka boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Taageerayaasha wadaadka oo ka carooday inuu siyaasadda ka fariisto ayaa gantaalo, hoobiyeyaal iyo qoryaha darandoorriga u dhaca u adeegsaday iska horimaadyada dhacay.

Isbahaysigiisa siyaasadeed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kuraastii baarlamaanka ee doorashadii sannadkii hore, balse Isniintii ayuu Muqtaada ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskiisa siyaasadda, taasoo keentay in taageerayaashiisa ay xoog ku galaan xaruunta madaxtooyada.

Taageerayaasha Muqtada al-Sadr waa markii labaad oo ay xoog ku galaan baarlamaanka dalkaasi.

Sidoo kale Muuqaallo lagu baahiyey warbaahinta ayaa muujinaya taageerayaasha wadaadka Muqtada al-Sadr ee la wareegay madaxtooyada oo ku dabbaalanaya berkedaha kuyaalla xarunta madaxtooyada, iyada oo qaar kalena ay ku sugan yihiin gudaha dhismaha iyo xafiisyada kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *