Taangiyada Israel ayaa galay koonfurta marinka Qaza

Published: December 4, 2023

Tobaneeyo taangiyo ah oo Israel leedahay ayaa galay qaybta koonfureed ee marinka Qaza ee u dhow Khan Younis Isniintii, goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyadoo militariga Israa’iil si weyn loo filayo inay duulaan dhulka ah dhawaan ku qaadaan aaggaas.

Gawaarida gaashaaman iyo cagaf-cagafyo ayaa sidoo kale la arkayay iyadoo Israa’iil ay ballaarineyso howlgalkeeda ka dhanka ah Xamaas.

Dhaq dhaqaaqyada ciidamada Israel wadaan ayaa muujineysa inay doonayaan inay Qaza u qeybiyaan sadex aag oo kala ah; Waqooyi, bartamaha iyo Koonfurta. Waxayna gebi ahaan xireen wadooyinka adeegsan jireen shacabka qaxaya.

Tan iyo markii xabbad joojintu dhacday Jimcihii, dagaalka Qaza ayaa dib u billowday, Israa’iil ayaa duqaymaha cirka ee Qaza ku dishay in ka badan 800 illaa Jimcihii lasoo dhaafay.

In ka badan 15.000 ayaa lagu xasuuqay duqeynta Israel ee Qaza tan iyo markii uu bilowday dagaalkan 7dii Oktoober.

Horseed Media