Tahriibayaal ku dhintay doon ku degtay badda Mediterranean-ka

Published: April 11, 2024
Shares54

Siddeed qof oo uu ku jiro ilmo ayaa dhintay kadib markii ay degtay doon tahriibayaal ah oo doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

Ciidamada Illaalada Xeebaha ee Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen in baddan oo kamid ah dadka ay doonta la gadoontay.

Ilaalada xeebaha oo soo badbaadiyay 23 qof, ayaa sheegay in doonta ay ku degtay meel 55-km koonfur bari ka xigta jasiiradda Lampedusa ee biyaha caalamiga ah.

Sida lagu sheegay xogta Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, 385 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda dhexe ee Mediterranean-ka bilowgii sanadkan ilaa 8-da April.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, tirada dadka tahriibayaasha ah ee soo galay January ilaa April ee sanadkan ayaa dhan 15,774 marka la barbar dhigo 31,128 isla muddadaas sannadkii hore.

Horseed Media