Tahriibayaal ku dhintay badda u dhaxeysa Faransiiska iyo UK

Published: August 12, 2023

Lix qof ayaa dhimatay kadib markii doon ay la socdeen tahriibayaal ku sii jeeday dalka Britain ay ku degtay Channel-ka English-ka, sida ay sheegeen saraakiisha badda ee Faransiiska, iyadoo weli ay socoto baadigoobka lagu baadigoobayo dadka weli la la’yahay.

Afhayeen u hadlay maamulka xeebaha Faransiiska Premar ayaa Sabtidii sheegay in inta u dhaxaysa shan ilaa 10 rakaab ah la la’yahay, halka 55 la badbaadiyay.

Afar markab oo Faransiis ah iyo helikobter iyo laba markab oo British ah ayaa ka qaybqaatay dadaallo samatabixin ah oo ka socda Xeebta magaalada Sangatte ee waqooyiga Faransiiska, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka badbaaday ay badbaadiyeen maraakiibta Britishka.

Duqa deegaanka Franck Dhersin ayaa sheegay in hawlgal samatabbixin ah oo aad u balaadhan la bilaabay abaaro 6 subaxnimo, iyada oo daraasiin doonyo tahriibayaal ahi isku mar isku dayeen in ay gaaraan xeebta UK.

Ciidamada bada ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan lix qof ay dhinteen, waxaana ay sheegeen in howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay socdaan.

Ilaalada xeebaha Britain ayaa sheegay in ay doomo badbaado ka soo direen Dover si ay gacan uga geystaan samatabbixinta, iyadoo ay la socdaan kooxda badbaadinta xeebaha iyo shaqaalaha ambalaasta.

In ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah ayaa doonyo yar yar uga soo tallaabay kanaalka Ingiriiska iyaga oo ka soo raacay Faransiiska kuna sii jeeday koonfur-bari England bilihii lasoo dhaafay.

Horseed Media