Talaalka cudurka dabaysha ee afka laga qaato, oo la ogaadey in uu sababi karo isla cudurka dabaysha.

Published: August 23, 2022

Cilmi baaris dhawaan laga sameeyey magaalooyinka London, New York iyo magaalada Israel ay haysato ee Qudus ayaa lagu ogaadey in talaalka afka laga qaato ee xanuunka dabayshu uu xiriir la lee yahay faafitaanka cudurkaas ee magaalooyinkaas.

talaalka cudurka dabaysha

Si kastaba ha ahaatee, tallaalka noocan ah ee afka laga qaato ayaa hadda lala xiriiriyay cudurrada dabeysha ee ka dillaacay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil.

Cilmi-baarayaashu waxay baareen muunado nooca fayraska laga helay New York, London iyo Qudus waxayna ogaadeen inuu si toos ah ugu xiran yahay tallaalka afka laga qaato.

Waa markii ugu horeysey oo qaar kamid ah waddamada qaniga ah ay isku xiraan tallaalka iyo cudurka dabaysha.

Taariikhda tallaalka

In ka badan 30 sano, laba dhibcood oo dareere ah oo leh qadar aad u yar oo ah fayraska dabaysha oo nool ayaa kicinaayey jawaab celin difaaca jidhka taas oo ilaalisay balaayiin dad ah. Waxay u badan tahay inay dad badan ka badbaadisay nolol adag.

Dabayshu waxay sababi kartaa curyaanino awood la’aanta isticmaalka gacmaha ama lugaha. Xaaladaha qaarkood, waxay sidoo kale keeni kartaa dhimasho.

Tallaaladii ugu horreeyay ee dabaysha ayaa la sameeyay horraantii 1950-meeyadii waxaana tallaal afka ah la isticmaalayey tan iyo 1960-kii. Tallaalka afka ee hadda jira waxa la isticmaalayey ilaa 1988kii.

Sanadihii ugu dambeeyay, dabaysha ayaa gabi ahaanba laga waayay wadamada qaniga ah. Waxa kaliya oo laga helaa wadamo yar oo sabool ah meelaha ay adagtahay in la helo biyo nadiif ah.

Welwelku waa mid xooggan

Aidan O’Leary oo ah madaxa waaxda dabaysha ee Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegay in WHO ay dadaalkeeda udub dhexaad u ahayd Afgaanistaan ​​iyo Pakistan. Waxa uu ku tilmaamay daahfurka cudurka dabaysha ee ku faafaya New York iyo London “wax lala yaabo.”

Khubaro badan oo caafimaad ayaa sheegay in ay ka warqabeen in isticmaalka tallaalka fayraska nool uu maalin uun sababi karo in cudurka uu faafo. Welwelkaas awgeed, waddamada sida Holland iyo Norway weligood ma isticmaalin tallaalka afka. Taa beddelkeeda, waxay isticmaaleen oo keliya tallaalo leh fayras la dilay ee la isku duro.

Tallaalka fayraska nool ee afka laga qaato mararka qaar waxa uu isu beddelaa qaab faafin kara oo sababi kara curyaanimo.

Tallaal badan oo kala duwan ayaa loo baahan karaa

Khubarada ayaa sheegay in tallaalo badan loo baahan yahay xitaa wadamada horumaray si loo joojiyo fiditaanka, laakiin waxay ka walaacsan yihiin sida dadku maanta aysan ugu kalsooneyn tallaalka marka loo eego waqtiyadii hore.

by Hanad Askar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *