Talaalka Sinovac ee Shiinaha oo laga daahfuray Muqdisho

Published: April 14, 2021

Talaalka loo yaqaan Sinovac ee dhawaan ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa maanta laga daahfuray magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ay kamid yihiin Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa siwada jir ah u daahfuray talaalkan oo noqonaya Talaalkii labaad oo laga daahfuro dalka.

Mawaadiniinta u dhashay Shiinaha, oo ku Nool Soomaaliya ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee talaalkaan lagu daah furay, ayada oo ay qaateen Safiirka  Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Shaqaalaha Safaarada, ilaalada iyo Muwaadiniinta kale ee Shiinaha ee ku nool Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha, ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Tallaalkaan maanta la daah furay si loo yareeyo khatarta Covid-19, waxa uuna sheegay safiirka inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Shiinaha ay ugu diiqayaan Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya, Dr Axmed Xuseen Macalin, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii qaadatay talaalkaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaatay tallaalka looga hortagyo cudurkaan halista badan ayna u bilaabeen Bulshada ka masuuliyada haan si loo wada qaato.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *