Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen lacag sharci darro ah

Published: April 18, 2021

Ciidanka Booliiska ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Kumanaan Kun oo lacagta Dollarka Mareykanka ah oo si sharci darro ah la doonayay in lagu soo galiyo dalka.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Booliiska dowladda Federaalka lacagtan ayay Ciidanka Booliisku ku qabteen Diyaarad nooca Rayidka ah taasoo kasoo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Majiro Ilo madax banaan oo cadeyn kara cadadka Lacagtan kumanaanka Dollar iyo hadii ay katimid markii hore wadanka Kenya ,hase ahaatee Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in ay baaritaan rasmi ah ku sameyn doonaan lacagtan.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed oo goorsii horeysay la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa bogaadiyay Ciidanka Saldhigga Booliiska garoonka diyaaradaha Aaden Cadde.

” Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *