Taliska Booliska oo shaaciyey tirada dadka laga soo badbaadiyey weerarkii Hoteel Xayaat

Published: August 21, 2022

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed janeraal Cabdi Xasan Xijaar oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Bartmaha Isgoyska KM4 ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat oo kuyaalla Aaga isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho, kaas oo in a badan 30 saacadod ay ka dhex dagaalamayeen Xuno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la soo afjaray howlgalkii ka socday Hotelka Xayaat.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la soo badbaadiyey illaa 100 qof oo shacab, isla-markaana ku go’doonsanaa dhismaha Hoteelka la weeraray.

Taliyuhu ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse wuxuu tilmaamay inay dib ka sheegi doonaan marka ay soo gabagabeeyey baaritaannada socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *