Taliyaha Booliska Soomaaliya oo qaabilay Saraakiil ka socday dalka Masar

Published: April 28, 2024

Taliye Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen. Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socda dalka Masar, kuwaasi oo shalay soo gaaray caasimada dalka ee Muqdisho.

Soo dhaweynta saraakiishan waxaa goob joog ahaa Taliye ku-xigeenada Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif), S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada kale ee ciidanka.

Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiishan uga mahadceliyey Aqbalaada Casuumaadii uu u fidayay sidoo kalena garab istaaga ay u markasta u sameeyeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tilaabsadeen Booliiska Soomaaliyeed, iyaga oo xusay in ay ka taageeri doonaan tababarada, xirfadaha iyo guud ahaan hormarada ciidanka.

Horseed Media