Taliyaha Ciidamada Talyaaniga oo Muqdisho gaaray xili dalkaasi uu hogaanka u qaban doono hawlgal muhiim ah

Published: February 14, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Sidoo kale, Talyaaniga ayaa Todobaadkan hogaanka u qabtay ciidamada illaalada badda Cas iyo kahor taga burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa diiday inay Taliskooda ciidamada badda hoos geeyaan Maraykanka oo isagu hawlgalo ka wada badda cas iyo weeraro uu la beesganayo Xuutiyiinta Yemen.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa horey u qaban jiray hawlgalada looga hortagayo burcad badeeda Soomaalida oo dhawaan la joojiyey, wuxuuna hawlgalkoodan cusub kusoo beegmayaa xili ay jirto xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan damaca Itoobiya dooneyso inay ku hesho dhulka saaran xeebta Badda Cas ee Soomaaliya.

Horseed Media