Taliyaha Ciidanka Lugta ee Dowladda Federaalka oo gaarey fariismaha ciidanka ee Galmudug.

Published: July 17, 2023

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali  ayaa gaaray magaalada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo fariinsin u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xiriira xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab, sida ay sheegtey warbaahinta dowladdda.

Jen. Axmed Aadan ayaa dhawaan la magacaabey, kadib markii xilka laga qaadey taliyihii hore Jen Biixi, booqashadan ayaa ah tii ugu horeysey ee uu ku tago gobolka Galguduud ee maamulka Galmudug tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheeh magacaabey bishii hore ee Juun.

Horseed Media