Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kormeer Ku Tagey Saldhiga Turksom

Published: October 22, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiidiin ayaa kormeer Shaqo ku tagay Xerada tababarka Turkisom ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Shiikh Muxudin oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kulan la qaatay Taliyaha Kuliyadda Turkisom ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya.

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Taliyaha Kuliyadda kala hadlay Sara u qaadista tababarada iyo Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Horseed Media