Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan al-shabab

Published: August 22, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta wejigiisa koowaad uusan ku qaadan doonin laba toddobaad.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa guud ahaan Soomaaliya.

Taliye Muxudiin oo waraysi siiyay warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah shabaab laga gaaray guulo fara badan, kuwaas oo  dadka iyo dalka ku hayay dhibaatooyin kala duwan.

“Aagga Maxaas halka la yiraahdo Wabxo ayuu ciidanku soo gaaray,  Guri-ceel-na wuxuu soo gaaray War-xoolo, isagoo kusii socdo Ceel-buur, Aagga la yiraahdi Cali Axmed, Bud-bud iyo Geriyaale ayuu ku socdaa, labada magaalo ee muhiimka ahna sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku gaaraynaa hadduu Alle idmo”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in qasaara lixaad leh uu khawaarijtu kasoo gaaray dhammaan goobihii laysku haleelay, halka meelaha qaarna ay isaga baxeen si fududna lagu qabtay.

Horseed Media