Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sagootiyay Taliyahii hore howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Published: July 7, 2024

Taliska Ciidanka xoogga Dalka ayaa xalay Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu sagootinayay Taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) Gen, Fulvio Poli kaas oo dhawaan xilkii uu ka idlaaday.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa u Mahad-celiyay Gen, Fulvio Poli waxuuna ku amaanay xil gudashadiisa muddadii uu ku sugnaa Soomaaliya, waxuuna u rajeeyay Mustaqbal wanaagsan.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa dhawaan loo soo magacaabay Giuseppe Zizzari xilka ayuuna kala wareegay Gen, Fulvio oo sagootin qiima sara leh loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Saraakiil sare oo ka tirsan DFS, Turkiga, Mareykanka iyo Howlgalka ATMIS ayaana goobjoog ahaa Munaasabadda sagootinta Taliyahii hore ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Horseed Media